​Puntland: Xildhibaano kusoo baxay doorashada Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Labo Xildhibaan ayaa kusoo baxay doorasho kamid ah Kuraasta Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo codayntoodu saaka ka bilaabatay magaalada Garowe.

Mudanayaasha la doortay ayaa kasocday beelaha Muuse Saleebaan iyo Bah-hararsame (Dhulbahante.

Ergada Muuse Saleebaan, waxay doorteen, Cabdi Maxamud Maxamed oo wareegii kowaad helay codad gaaraya 33 cod.

Dhinaca kale, waxaa doorashada Bah-hararsame ee Dhulbahante, kusoo baxay  Daa'uud Maxamed Cumar oo helay 32, halka ninka la tartamay ee Maxamed Faarax Indho Buur uu helay 18 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Waxaa iminka socota codaynta wareega labaad kursiga ugu adag ee reer Biciidyahay, kaasoo ay ku tartameen 6 murashax, waxaana soo baxay codaynta xigta u gudbay labadii ugu codka badnaa oo kala ah; Siciid Cali Maxamed 14 iyo Faysal Cabdulle Guuleed oo helay 22 cod.

Natiijada doorashadaas waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeena dambe hadii EEBBE raali ka noqdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM