Puntland: Xildhibaano sharci daro ku tilmaamay shaqo joojinta wariye Debaraani

Image

12 November, 2015(GO)-Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay waraaqda 10-kii bishan wasaaradda warfaafinta Puntland ku joojisay shaqada wariye Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka tirsan telefishinka Somalichannel.

Ilaa saddex mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Puntland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, waxaana qoraalo soo dhigeen barahooda bulshada(Facebook) ku sheegeen inay warqadani tahay sharci darro Jamacna shaqadiisa wato.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdisalaam Shiikh Maxamud Shaybe, ayaa qoraal uu soo digay bartiisa Facabooka, ku sheegay inay ceeb ku tahay qoraalkan wasiiro u adeegaya bulshada.

"Warqadaan waa sharci daro Aan meelnah Ka waafaqsayn dastuurka iyo xeerarka wadanka Waxan kula talin in wariye Jama Deperani shaqadisa wato waxan ceeb nago ah wasirada sidan u kale u hadlan isago xafiis u deega shacab joogah," Xildhibaan Shaybe ayaa bogisiisa Facebook ku soo qoray.

Labo mudane oo kale ayaa shaqa joojinta ku tilmaamay inay tahay mida aan sharciga waafaqsanayn muhiimna tahay in shaqadiisa loo fasaxo wariye Jaamac.

Qoraal ka soo baxay ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, ayaa lagu tilmaamay  in wasaaraddu caburinayso wariyaasha Puntland, taasna loo baahanyahay inay ka laabato.

“Qoraalkan waxaan u aragnaa inuu yahay mid lagu caburinayo warfidiyeenka iyo warbaahinta. Isla markaasina aan waafaqsaneyn qawaaniinta wadanka,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) Faysal kahliif.

MAP waxay ugu baaqday Wasaarada warfaafinta Puntland inay itxiraamto madaxbaanida , xor uhadalka iyo qawaaniinta dalka “Waxaan ugu baaqeyna Wasiirka Warfaafinta Puntland inuu ixtiraamo madaxbanaanida weriyaha sidoo kalena uu la noqdo qoraalkan,” Ayuu yiri Bare.

Arrintan ayaa noqotay hadal haynta ugu badan meelaha bulshadu ku kulanto, waxaana badi dadku tilaabadan u arkaan midaysan wasaaraddu ka fiirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM