Puntland: Xildhibaano sheegay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Godob-jiiraan [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Kalfadhi ay maanta yeesheen qaar kamid ah golaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayay ku sheegeen inay xilkii kaga qaadeen guddoomiyihii golahaas Yuusuf Geesaweyne.

13 Xildhibaan oo kamid ah golaha deegaanka degmadaas ayaa u codeeyay in kalsoonida lagala noqdo Yuusuf, waxaana gabi ahaanba kasoo horjeestay in Goluhu shiro isuna yimaado 5 xubnood oo kale kuwaasoo xaadir ku ahaa degmada.

Golaha deegaanka Godob-jiiraan ayaa ka kooban 19 Xildhibaan, waxaana la sheegay in Xildhibaanada mooshinkan kasoo horjeeda ay xirteen xaruntii golaha, sidaas darteed Xildhibaanada xil ka qaadista sameeyay waxaay kulan ku yeesheen xarun kale oo magaaladaas ku taal.

Axmed Maxamed Cabdi, oo ah ku-xigeenka guddomiyaha degmadaas ayaa Radio Garowe u sheegay in Guddoomihii laga qaaday xilkii, maadama uu ku guul darraystay hogaaminta Xildhibaanada iyo inuu furo kalfadhiyadii dastuuriga ah ee ay isugu imaan jireen.

Wuxuu intaas ku daray in Yuusuf uu ka gaabiyay shaqadii loo igmaday islamarkaana dacwad ka dhan ah mas'uulkaas ay geeyeen wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Axmed Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sannadkii hore xilligaan oo kale xilka laga qaaday Guddoomiyaha degmada balse is hortaag ay ku samaysay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo maamulka gobolka, wixii waqtigaas ka dambeeyayna aysan jirin wada-shaqayn ka dhaxaysay labada dhinac.

"Sannadkii hore hada oo kale ayaa goluhu xilka ka qaadeen Guddoomiyaha, laakiin waxaa is hortaagay wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka, wixii xilligaas ka dambeeyayna ma jirin wada-shaqayn ka dhaxaysay golaha, kulankan waan u sheegnay wuuna qaadacay." sidaas waxaa yiri Guddoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka Godob-jiiraan oo ka jawaabayay su'aal ahayd inay u yeereen Guddoomiyaha si wax looga weydiiyo eedaha xilka looga qaaday.

Dhinaca kale Xildhibaanada shira kuma aysan ekayn kulankooda xilka ka qaadisa kaliya, waxay sidoo kale sheegeen inay xubinimadii kala noqdeen mas'uulkan oo uusan kasii mid ahaan karin golaha deegaanka Godob-jiiraan.

"Awood baan u leenahay haa, waxaan xubinimada markiisa hore siin kara waa golaha deegaanka." sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Axmed Maxamed Cabdi.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

2007 ayay ahayd markii magaalada Godob-jiiraan ay qaadatay Degmo, waxaana golahan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee loo sameeyo, balse waxaa tan iyo markii la dhisay hareeyay khilaafaad keenay in dhowr jeer mooshin laga keeno Guddoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM