Puntland: Xisaabiyihii Mudug oo la amray in lasoo xiro [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Digreeto kasoo baxday Maxkamadda darajadda koowaad ee Puntland, taasoo uu u akhriyay warbaahinta Xeer-illaaliyaha guud ee dowladda Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa lagu faray laamaha amaanka inay soo xiraan xisaabiyihii hore ee Gobolka Mudug.

Barkhadle Muuse Aadan, oo ahaa Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyadda Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay Bayaanka inuu hadda yahay mid ka baxsday guud ahaan deegaanada Puntland, wallow aan la shaacin meesha uu cago dhigtay.

Warar ayaa sheegay in Barkhadle uu u baxsaday dhanka deegaanda Somaliland.

Xeer-ilaaliyaha ayaa wuxuu sheegay in Barkhadle uu la baxsaday lacago badan, kuwaasoo mushaar u ahaa siduu hadalka udhigay Shaqaalaha dowladda ee gobolka Mudug iyo ciidamada Daraawiisha Puntland.

Mar la su'aalay sababta ay usoo xiri waayeen Xisaabiyaha ka hor inta uusan baxsan oo uu gobolku joogay ayaa wuxuu ku celiyay hadal horey uga soo yeeray Wasiirka Maaliyadda oo ahaa inay ku socoto Baaris, ayna uu u xilsaareen Gudi uu hogaaminayo Hanti-dhowrka guud ee Puntland.

"Wixii maaliyad ah, Hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa laga weydiinayaa waxaana socota Baaris ku saabsan sidii ku baxsday lacagta iyo halka uu ku bixiyay," ayuu hadalkiisa ku daray Xeer-illaaliyaha.

Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in baarista ay wadaan ay tahay mid ay ku ogaanayaan sidii uu Xisaabiyihii hore ku lunsaday lacagta uu sheegay Wasiirka Maaliyadda.

"Waxaan baareynaa waraaqihii uu ka tegay, iyo siday lacagtu ku baxday. Mana doonayo inaan Baarista ka hor-dhaco," ayuu ku jawaabay mar ay suxufiyiintu weydiiyeen Xeer-ilaaliyaha cidda ay baarayaan maadaama Xisaabiyaha uu baxsaday.

Ugu dambeyn, Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland ayaa wuxuu ugu baaqay Shacabka, iyo hay'ddaha amaanka ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadda dalka inay lasoo wadaagaan hadii ay hayaan macluumaad lagus oo qaban karo Xisaabiyihii hore ee Mudug.

Hoos ka akhriso warqadda Maxkamada soo saartay:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM