Puntland: Xubin kamid ah T-PEC oo la dhaariyay

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garowe ku dhaariyay xubin kamid ah Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee lagu badalay Axmed Kismayo oo iska casilay xubinimada Guddigan oo Guddoomiye u ahaa.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe) ayaa loo dhaariyay inuu kamid nogdo T-PEC, waxaana ka qayb galay Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe),  isagoo ka codsaday inuu xilkan loo igmaday kasoo baxo isagoo bulshadiisa daacadnimo ugu shaqaynaya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey in shaqada uu hayo Cabdiraxmaan Diiriye Samatar tahay mid miisaan keeda leh, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho Qof iyo Cod ah.

Wararka uu helayo Garowe Online ayaa sheegaya in Guddigu todobaadyada soo socda ay dooran doonaan Guddoomiye iyadoo ay u sharaxanyihiin qaar kamid ah Xubnaha Guddigaas.

Shaqada Guddoonka waxaa sii haya ku-xigeenka Guddoomiyihii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM