​Puntland: Xubno kasocda Midowga Yurub oo Garowe kulamo ku yeeshay

Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa xarunta madaxtooyada Puntland kula shiray wafdi kasocda Midowga Yurub gaar ahaan qaybta siyaasadda.

Soo dhaweyn iyo is xog waraysi kadib mas'uuliyiinta ka socota EU, ayaa sheegay inay Puntland ka caawin doonaan hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland maadama dhawaan la magacaabay guddiga doorashooyinka.

Waftiga ayaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha kala hadlay geeddi-socodka doorashada 2016-ka iyo mawqifka Puntland ee hannaanka loo marayo, waxaana En. Camay uu sheegay inay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 aanay wax dan ah ugu jirin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu haddii la oggolaado meesha ka saari doono rajadii laga qabey helitaanka qaranimo Soomaliyeed oo  markale cageheeda isku taagta.

Mas'uuliyiintan oo xubno sar sare ku jiraan ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay Barlamanka, bulshada rayidka ah, gudiiga doorashooyinka iyo hay'adda PDRC, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo qaabka lagu gaari  karo nidaamka axsaabta badan.

Waftiga ayaa muddo kooban  ku sugnaan doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxayna kulamo la qaadan doonaan Wasaaradaha Dastuurka iyo  Amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM