Puntland: Xukuumadda oo ka hadashay xuquuqda ciidamada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta shirkooda Khamiislaha ah uga hadlay arrimo ay kamid yihiin; amniga Puntland, khatarta kaalimaha Shidaalka iyo dhowrista Xuquuqda Ciidamada.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in dowladdu dhowri doonto xaqa ay leeyihiin ciidamada Puntland inkastoo aan la bixin faah faahin dheeraad ah.

Tallaabadan ayaa u muuqatay mid dowladdu kusoo beegtay xilli Asbuucan uu baraha bulshada qabsaday Sawirka Askari ku silicsan Caasimadda Garoowe, kasoo kamid ahaa ciidamadii ku dhaawacmay dagaalladii Puntland laga gashay sannadkii 2016 mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Askarigan ayaa baraha bulshada kasoo muqday isagoo luqunta isaga xiray xariga islamarkaana jiifa Buundo magaalada Garoowe ku taalla.

Askarigan ayaa ka hor inta uusan Buundada isku xirin wuxuu ka istaagay masaajiadda magaalada Garoowe kadib markii laga soo xirtay Albaabada dowladda sida uu sheegay, wuxuuna qabaa dhaawac sababay inuu waayo qaar kamid ah Laxaadkiisa.

Sannadkii hore horaantiisii mar uu la hadlayay warbaahinta wuxuu sheegay in dowladdu dayacday islamarkaana ay dabiibeen ehelkiisa, isagoo ka dayriyay noloshiisa, "Guri aan seexan jiray waxaa loo iibiyay Wiil naga tahriibay, ma awoodo waxaan siisto Kaniin," sidaas waxaa goor sii horaysay sheegay Askarigan oo ay dhinac fadhiyeen kuwo kale oo kusoo dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Nugal iyo Mudug.

Sidoo kale waxaa jiray in mudadii ay xukuumaddan talada haysay gadoodeen qaar kamid ah ciidamada difaaca Puntland kuwaasoo qaybtood baneeyay furimihii ay ku sugnaayeen iyagoo ka cabanaya xuquuq ka maqan.

Lama oga qaabka ay u dhowri doonta Xaqa ciidamada dowladdan ay u harta 10 bilood waxa ka yar.

Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday in dowladdu wax ka qaban doonto arrinta khatarta Kaalimaha Shidaalka iyadoo ay jirto in bishii Jannaayo dhammadkeedii uu dab qabsaday kaalin ku taalla caasimadda Garoowe taasoo sababtay geerida in ka badan 4 qof.

Waxaa sidoo kale jiray in isu imaatinka Asbuuclaha ah ee xukuumadda Puntland lagu asnixiyay xeerar shaqaalaha rayidka ah ee Puntlan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM