Puntland:Ciidamada amaanka gobolka Barri oo qabtey qaraxyo [Sawiro]

Image
Image
Image

BOSSASO- Ciidamada amaanka gobolka Barri ayaa soo bandhigey sawirada minooyin la sheegey in lagu sidey gawaari la rumeysan yahay iney qaraxyo ka fulin lahaayeen xarumo ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee ka howl gala magalaada Bossaso habeenkii xalay 24/04/2017 qabteen gaari sidey qaraxyo lasoo diyaariyey kuwasoo loogu talagaley in Sadex goobood lala eegto.

Warsaxafadeed saraakiisha ciidamadaan siiyeen saxafada ayaa lagu sheegey in qaraxyadaan lagu diyaariyey fuustooyin loo qaybin lahaa Sadex gaari kuwasoo lagu bartilmaameedsan lahaa 3 goobood.

Howgalkaan ayaa sidoo kale lagu qabtey 5 nin oo sidet qaraxyadaan iyadoo saxaafada  loo soo bandhigey qaraxyada oo kaliya.

Wasaarada amniga Puntland ayaa weli ka hadlin howlgalkaan lagu guuleystey in lagaga hortago qaraxyo lala beegsan lahaa qaybo ka tirsan magalaada Bossaso.

Qabashada qaraxyadaan ayaa imaaneysa malamo kadib markii qarax miino ah degaanka Galgala lagula beegsadey ciidamada amaanka Puntland kaasoo ay ku dhinteen 9 Askari.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM