Qalabkii lagu dhisi lahaa garoonka Garowe oo gaarey Bosaso

Image
Image
Image
Image

Dec 12, 2015 (GO)- Waxaa magaalada Bosaso soo gaarey Markab sida qalabkii lagu dhisi lahaa garoonka diyaardaha magaalo madaxda Puntland Garowe.

Garoonka diyaardaha magaalo madaxda Garowe oo qandaraaskiisa ku guuleystey shirkad ka socota dalka Turkiga halka mashruuca ay bixisay dowlada Kuwait hay'adeeda la yiraahdo Kuwait Fund.

Magaalo madaxda  Puntland ayaa garoonkeeda diyaardaha la xirey kadib markii halkaas soo gaareen shaqaalhii dhisayey gagidaas iyadoo dulaamaadyadii loo wareejiyey Conoco.

Dhinaca kale waxaa gabogabo ku dhow garoonkii diyaardaha xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso kaasoo la filayo in sanadkaan dabayaqadiisa xariga laga jaro.

Mashaariicda garoomadaan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey xukuumadii madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Cabdiraxman Farole kadib markii booqashooyin uu ku tagey dalalka Talyaaniga iyo Kuwait.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale xil gaar ah iska saartey dhameystirka mashaariicdaan iyadoo dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso uu bilowdey sanadkii 2014 bilowgiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM