Qandaraasyada wadada isku xirta gobollada Puntland oo la bixiyay

Image
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicdan.

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo. 

Deni ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo-Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo. 

Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo la saxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah:- 

1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

- Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr. 

- Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco 

2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

- Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka  Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM