Qandaraaska Garoonka diyaaradaha Garowe oo lagu furey Dubai

Image
Image
Image
Image
Image

DUBAI, March 23,2015 ( GO)- Waxaa maanta lagu furey hotel ku yaal magaalada Dubai ee wadanka Imaraadka Carabta qanadaraaskii shirkadaha u tartamey dhismaha garoonka diyaaradaha magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe iyo Jaamacadda Baran.

Shirkadaha u tartamey dhismaha Jaamacada Baran ayaa maalintii shalay March 22,2015 la furey tartanka qanadaraaskooda. Wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in laga xushay saddex shirkadood kuwaasoo la filayo mid ka mid ah in lagu dhawaaqo bisha soo socota dabayaaqadeeda.

Dhinaca kale shirkadaha ku guuleystey wareega labaad ee qandaraaska mashruuca lagu dhisayo Garoonka diyaardaha Garowe ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxey gaaryaan 4 kuwaasoo labo kamid ah ka socdaan wadanka China  halka labada kale ka yimaadeen wadanka Turkiga.

Maalgalinta dhisamaha Garoonka diyaardaha Garowe iyo Jaamacada Baran ayaa waxaa ku deeqey hay'adda Kuwait Fund.

Shirkadda u qaabilsan soo bandhigista qanadaraaskaan hay'ada Kuwait Fund ayaa la filayaa in sadexda asbuuc ee  soo socda gudahooda ay ku dhawaaqdo shirkada ku guuleysatey dhismayaasha garoonka diyaaradaha Garowe iyo Jaamacadda Baran.

Xafladaan lagu furey Qandaraaska ayaa sidoo waxaa goob joog ahaa Wasiirka maaliyada Puntland, Wasiirka Duulista, Garoomada iyo saraakiil kale.

Dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso oo ay ku deeqdey Dowladda Talyaanigu ayaa waxaa dhismihiisa fulinaya shirkad laga leeyahay wadanka China.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM