​Qaramada Midoobay oo hambalyo u dirtay ciidamada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-March-2016 xafiiskiisa ku qaabilay wafti kasocdey Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa oo hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xog-hayaha guud Somalia  ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka Gaas  waxaa kuwehelinayey ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha wasiirada.

Madaxweyne Gaas  iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimaha la xiriira bini'aadannimada iyo heerka ay ka marayso deegaannada maamulka Puntland iyagoo sidoo kale isla soo qaaday wadashaqayn dhexmara labada dhinac.

Labada mas'uul ayaa dhinaca kale kawada hadlay arrimaha abaaraha  ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada Midoobey gacan ug agaysan lahayd taakulaynta dadka tabaalaysan.

Peter De Clercq ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada difaaca Puntland oo dhawaan guulo ka gaaray kooxo duullaan soo qaaday oo katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM