Qaramada Midoobey oo soo dhoweysey ansixinta gudiga doorasahada

Image

Muqdisho, 6 Juuly 2015 – Ergayga-gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobay u Qaabilsan  Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka  Federaalka ansixiyay, sagaalka xubnood ee Guddiga Maddax Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka.

“Magacaabista Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waaa guul aad muhiim u ah (kuna qotonta) ujeedooyinkii lagu gaari lahaa Nabada iyo Qaran dhisiduba- Ujeedooyinkaas oo ku qorn barnaamijka Hiigsiga Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah. “Baarlamaanka Federaalka wuxuu ka ciyaaray door muhiim ah sidii Lagu dhisi lahaa Guddiga Maddax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka taas oo waafaqsan Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxaan si dhakhso leh ooga  dhursugaynaa in Guddigani si dhakhso leh loo dhiso, korna loogu qaado awoodiisa waxqabad, sida   dhisidda Xoghayta guddiga.”

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sidii gudigan loogu suurta gelin lahaa in uu howshiisa u bilaabo si dhakhso leh.

DHAMAAD

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM