Qarax ka dhacay Garowe

Image


29 Augusto, 2015(GO)-Waxaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Garowe bartamaheeda qarax aan ilaa iyo hadda la cadayn waxa uu ahaa balse geeystey khasaaro.

Qaraxa ayaa ka dhacay Nawaxiga Astaankii hore ee Bosaso waxaana wararka soo gaaraya Garoweonline sheegayaan in waxa qarxay uu yallay dhulka, balse uu ku qarxay gaari meesha la dhigay.

Ilaa hadda inta laga warqabo waxaa ku dhaamey labo qof oo dhaawacooda la geeyay cusbitalka Garowe.
Goobta qaraxu ka dhacay waxaa gaarey ciidama ammaank oo wada baaritaano kala duwan.

Faah faahinta waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararkeena dambe.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM