Qarax lala beegsadey macaliim u dhashey dalka Kenya

Image

GALKACAYO Jan 2,2014 [ GO]- Magaalada Galkacayo dhankeeda Woqooyi ayaa waxaa maanta ka dhacey Qarax lala beegsadey Macalimiin wax ka dhigta dugsiga sare ee Yameyska.

Qaraxaan ayaa wararku sheegaayaan inta la hubo inuu ku dhintey qof aan la xaqiijin wadanka uu u dhashey halka dhaawac soo gaarey qaar ka tirsan dadkii saarnaa gaari lala beegsadey miinada dhulka lagu aaso.

Saraakiisha amniga Puntland ee gobolka Mudug oo ka hadashey weerarkaan ayaa sheegey in qaraxaan loo dhigey macalimiin Kenyan ah kuwaasoo wax ka dhiga dugsiga sare ee Yameyska ayna wadaan baaritaano la xiriira sidii loo ogaan lahaa dadka ka dambeeyey.

Magaalada Galkacayo ayaa dhowaanahaan waxaa ku soo badanayey weerarada lala beegsanyo xarumaha saxafada, wariye-yaasha iyo goobaha kale ee adeega arrimaha bulshada.

Wasiirka Amniga Xasan Allore ayaa warbixin uu dhowaan ka akhriyey kulan la sheegey in lagula xisaabtamayo xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey iney guulo ka gaareen hoos u dhigada weerarada kooxaha argagixisada u gaystaan shacabka Puntland isagoo ku saleeyey ama halbeeg ka dhigtey boqoley.

Dadka ka faalooda arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada Puntland ayaa warsidahaan Garowe Online u sheegey iney xoogaga Al-shabaab ku soo xoogeysteen gobolada qaarkood gaar ahaan Mudug halkaas oo daris la ah gobolada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM