Ciidamo mushaar la'aan ah oo gadood ka sameeyay Qardho

Image

QARDHO, Puntland - Ciidamo katirsan dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah gadood ka sameeyay magaalada Qardho, ee xarunta gobolka Karkaar kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la'aan mudo bilooyin ah.

Qof ku sugan magaalada Qardho oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen xaruumaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe, iyagoo u diiday shaqaalaha inay galaan, taasi oo hakad gelisay shaqada Hay'adahaasi.

Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada gadooday, ayaa sheegay in aysan wax mushaar ah iyo xuquuq ka helin dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" toddobadii bilood ee la soo dhaafay.

Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin gadoodka Ciidamada.

Ciidamada Puntland ayaa sanadkii tagey 2017 sidan oo kale dhowr jeer gadood uga sameeyay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan.

Wixii kusoo kordha Gadoodka Ciidanka, kala soco Wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM