Qaxooti ka badan 1700 oo qof oo maanta Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image
Image

May 13, 2015 (GO)- In ka badan 1700 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa maanta oo Arbaco ah soo gaarey magaalada Bosaso.

Dadkan oo isugu jirey Soomaali, Yemeniyiin iyo Ethiopian ayaa la socdey doon lagu magacaabo Shamis-3,  tasoo kasoo shiraacatey dekedda Mukallah.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo intaas kaddib loo soo daad gureeyey goob loogu talo galay  in qaxootiga Yemen kasoo cararaya si kumeel gaar ah loo dejiyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ahna guddoomiyaha guddiga qaran ee loo saarey qaabilaadda qaxootiga ka imaanaya Yemen, Mudane Qoob-Deero ayaa sheegay in qaxootiga maanta magaalada Bosaso soo gaarey oo tiradoodu gaareysey 1723 ay isugu jireen 763 carruur ah, 581 dumar ah iyo 379 rag ah.

Qoob-deero ayaa sidoo kale sheegay in tirada qaxootiga magaalada Bosaso soo gaarey laga soo bilaabo bishii April ay dhan tahay 5083 qof, dadkaasoo la socdey toban doonyood oo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in Dowladda Federaalku maraakiib iyo diyaarado u diri doonto dalka Yemen, si loo soo daad gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dagaallada dalka Yemen ka soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM