Qaxooti ka badan 1900 oo qof oo saaka Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image

June 6, 2015 (GO)- In ka badan 1600 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa aroornimadii hore ee saaka oo Sabti ah soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan oo isugu jirey Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa la socdey doon lagu magacaabo Suldaana,  tasoo shalay kasoo shiraacatey dekedda Mukallah. 

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, guddiga gurmadka qaxootiga, duqa degmada Bosaso iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM. 

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo intaas kaddib loo soo daad gureeyey goob loogu talo galay  in qaxootiga Yemen kasoo cararaya si kumeel gaar ah loo dejiyo. 

Laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa magaalada Bosaso soo gaarey muhaajiriin tiradoodu gaareyso 10,100 (toban kun iyo boqol qof).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM