Qaxootigii ugu badnaa ee ka yimi Yemen oo berri Bosaso kusoo wajahan

Image

April 9, 2015 (GO)- Tiradii ugu badneynd ee ah qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo cararey dagaallada ka soconaya  dalka Yemen ayaa berri kusoo wajahan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan oo tiradoodu dhan tahay 280 qof una badan kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda  Puntland waxay magaalada Mukullah kasoo baxeen duhurnimadii maanta.

Diyaar garow xooggan oo ku aadan sidii dadkaas loo soo dhoweyn lahaa ayaa magaalada Bosaso ka socda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay  xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in Puntland ka walaacsan tahay qaxootiga kasoo qulqulaya dalka Yemen.

Axmed Karaash ayaa sidoo kale sheegay in labadii todobaad ee ugu dambeeyey ay magaalada Bosaso oo keliya soo gaareen siddeed doonyood oo sidey ku dhowaad labo boqol oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM