QM oo soo dhaweysay shirka Galkacyo ka furmay [Dhageyso]

Image

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Key ayaa soo dhaweeyay shirka wadatashiga Puntland ee maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qoraal uu saxaafadda u soo gudbiyay Afhayeenka Key ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhawaynayso wadatashiga shacabka Puntland, iyagoo ku midaysan hal fikir isla markaana ay ka heshiiyaan wixii mad madow ah ee dhexdooda ka jira.

"Shir waynaha wada tashiga Puntland waxaa uu xaqiijinayaa ,aragtida xikamad wadareerka ee shacab-waynaha Puntland 17 sanno ka dib, in dib laysugu eego bulshawaynta mandiqadaan gaar ahaan kuwa uu ka dhaxeeyo khilaafka, dib u dhigida nidaamka dimuqraadiyadeed mid sharciyeed, iyo kalsoonida shacabka".

Nicholas Key ayaa rajo fiican ka muujiyay in shirkaani uu kasoo bixi doono heshiis mira dhal ah oo micna ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.

Garoweonline.com

 

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM