QM oo soo dhaweysay shirka Galkacyo ka furmay [Dhageyso]

Image

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Key ayaa soo dhaweeyay shirka wadatashiga Puntland ee maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qoraal uu saxaafadda u soo gudbiyay Afhayeenka Key ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhawaynayso wadatashiga shacabka Puntland, iyagoo ku midaysan hal fikir isla markaana ay ka heshiiyaan wixii mad madow ah ee dhexdooda ka jira.

"Shir waynaha wada tashiga Puntland waxaa uu xaqiijinayaa ,aragtida xikamad wadareerka ee shacab-waynaha Puntland 17 sanno ka dib, in dib laysugu eego bulshawaynta mandiqadaan gaar ahaan kuwa uu ka dhaxeeyo khilaafka, dib u dhigida nidaamka dimuqraadiyadeed mid sharciyeed, iyo kalsoonida shacabka".

Nicholas Key ayaa rajo fiican ka muujiyay in shirkaani uu kasoo bixi doono heshiis mira dhal ah oo micna ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.

Garoweonline.com

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM