Qodobadii ugu mudnaa khudbadii Deni ee baarlamaanka Puntland

Image
Hadal-jeedintan ayaa ku saabsaneyd soo bandhiga Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda cusub ee maamulka.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniintii 11-ka March 2024 waxa uu khudbad ka horjeediyay mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland kahor ansixinta Golaha Wasiiradda cusub.

Hadla-jeedintan ayaa Deni - oo fadhiga ay ku wehliyeen saraakiil heer Madaxtooyo ah - waxa uu diiradda ku saarey soo bandhiga Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda ay ku shaqeyn doonto shanta sano soo aadan.

Hadaba, warbixintan waxaa diiradda ku saareynaa shanta qodob ee ugu mudneyd barnaamij siyaasadeed xukuumadda cusub ee shacabka Puntland u adeegi doonta muddo xileedka nagu soo aadan.

Dimuqraadiyadda Puntland

Qabashadda doorashooyinka goleyaasha degaanka ee degmooyinka harsan, dhameystirka xubnaha ka dhiman guddiga doorashooyinka iyo diyaarinta shuruucda xoojinaya nidaamka dimuqraadiyadda ayaa qeyb ka ah barnaamijka.

Madaxwayne Deni ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in muddo xileedka cusub ee soo wajahan uu ka shaqeyn doono in xafiisyadda sarre - madaxtooyadda iyo baarlamaanka - ay soo doortaan dadweynaha.

Xoojinta habka federaalka

Dhameystirka dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka federaalka si ku saleysan danaha guud ayaa qodobka labaad ee ugu mudan ee kamid ah barnaamij siyaasadeedka xukuumadda Puntland.

Labadan mawduuc ayaa haatan ah kuwa ugu xasaasiyan gudaha Soomaaliya, waxaana ay soo jiitamayeen dhowrkii sano lasoo dhaafay. Balse, madaxwayne Deni wuxuu rajeeyay in kalkan ay qabyo-tirmi doonan.

Mowqifka SSC-Khaatumo

Sii waditaanka difaacida qadiyadda SSC-Khaatumo, kala saxiixashadda heshiis salka ku haya iskaashi iyo ilaalinta danaha guud si lamid ah in ciidamadda Puntland sii joogayaan aagaga maamulkan ayuu wacad ku maray Deni.

SSC-Khaatumo ayaa haatan loo aqoonsan yahay maamul ku meelgaar ah. Puntland oo ay daris yihiin waxa ay tacab weyn gelisay sidii ay uga difaaci lahayd duulaankii uga yimid maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

Amniga iyo argagixisadda

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, madaxwayne Deni waxa uu hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa cusub ay xoojin doonto amniga guud ee Puntland, la dagaalanka argagixisadda iyo nabad-gelyadda xeebaha Puntland.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa haatan ku dhuumaaleysanaya degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay si joogto ah ugula kulmayaan weeraro uga imaanaya ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland.

Tacaalida isbedelka cimilada

Dejinta qorshaha ka hortagga deegaameynta cusub, dejinta istaraatiijiyadda ka hortagga waxyeeladda dhirta, la dagaalanka aafada Ayaxa iyo dejinta qorshaha dildilaaca dhulka ayaa sidoo kale kasoo muuqdey buugga barnaamijka.

Sidoo kale, qodobkan waxaa hoos-imaanaya diyaarinta barnaamij lagula soconayo saadaasha hawadda kaas oo ka caawin doonaa dowladda Puntland in ay si dhab ah ula socoto xilli roobaadka iyo khataraha la xiriira isbedelka cimiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM