Qorshe lagu carqaladeynayo doorashada Puntland oo la isku khilaafey

Image

GAROWE- Issimada gobolka Sool oo maalmihii lasoo dhaafey kulamo ku lahaa  magalada Garowe kasoo madaxda sare ee maamulka Puntland dabada ka riixayeen ayaa  waxaa ay kaga wada-hadlayeen sidii ay uga hor-imaan lahaayeen doorashada dhaceysa bilowga sanadka 2019 hadii aan dib loo qaban magaalada Laascaano.

Warsidahaan ayaa ogaadey in habeen hore  kulan ka dhacey xarunta Madaxtooyada Puntland lagaga hadlay qorshahaan kaasoo goob joog ahaayeen odayaal Reer Sool ah,  Madaxweyne ku xigeenka iyo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Sida warar lagu kalsoon yahay xusayaan Issimadaan ayaa kulanka Madaxtoiyada kadib shalay galab 16 October, 2018 kulan ay isugu yimadeen waxay isku khilaafeen iney qoraal wada-jir ah oo ay ku qaadacayaan doorashada soo saaraan.  

Qorashahaan oo weli socda sida warsidahaan ogaadey ayaa waxaa ka horymid qaar ka tirsan siyaasiyiinta gobolka Sool ee ku sugan Garowe kuwasoo u sheegay Issimadan  in talaabadaan khalkhal galineyso amaanka Puntland.

Gaas ayaa raadinaya marmarsiiyo uu ku baajiyo doorashada ka dhaceysa Puntland sandka 2019 isagoo aan weli ku dhawaaqin inuu musharax yahay iyo in kale.

Waxaa jira dhinaca kale qorshe ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaanada Barlamanka ee xilku kasii dhamaanayo kuwaasoo beelahooda ay dib u soo dooran doonin. Barnaamijaan oo horey u fashilmey qayb-na uga ahaa Madaxweyne Gaas ayaa waxaa lagu doonayaa in tiro xildhibaano ah lagu daro aqalka wakiilada.

Doorashada Madaxweynaha Puntland oo lagu wado iney dhacdo sandaka soo socda bilowgiisa ayaa waxaa u taagan musharxiin farabadan kuwasoo intooda badan ka amuusan isbadalada joogtada ah ee ka socda maamulkaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM