Qoys reer guuraa ah oo ku xoolo beelay miyiga degmada Jariiban

Image

February 12, 2015 (GO)- Qoys reer guuraa ah oo ka kooban toban qof ayaa ku xoolo beelay miyiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug kadib markii ay si khaldan dawada xoolaha u siiyeen 150 neef oo ari ah.

Aadan Cabdi Aadan (Qol-yare) waa aabaha qoyska cayroobey, wuxuuna Radio Garowe u sheegay in isagu xoolaha dawada siiyey si uu uga dabiibo (Dhabiijo) oo ah nooc kamid ah dulinka xoolaha dhogortooda gala.

Xoolaha dawada la siiyey oo tiradoodu ahayd 150  neef waxaa isla markaasba bakhtiyey 123 halka 27da  neef ee hartey yihiin kuwo aan wax badan ku nooleyn.

Qol-yare oo la weydiiyey sababta xooluhu u dawada ugu le'deen, wuxuu sheegay in uu si xad dhaaf ah dawada u siiyey maadaama uusan aqoon fiican u lahayn nooca dawada uu isticaamley iyo weliba qaabka xoolaha loo siiyo midna.

" walaalow xoolaha anaa dawada siiyey waxan rabey inaan Dhabiijo ka daweeyo...wax kasta oo dhacay inkastoo ay qornaayeen hadana sababteeda anaa lahaa oo aqoonyari iyo indho adeyga reer miyiga ayaa iigu wacnaa" ayuu yiri.

Aadan Qol-yare, wuxuu ugu dambeyntii  ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan maadaama xilligan la joogo qoyskiisu cayr yihiin islamarkaana haysan xoolo ay noloshooda ku maareeyaan.

Boqollaal qof iyo kumanaan xoolo ah ayaa sanad walba ugu geeriyooda dalka Soomaaliya sababta dawooyin dhacay amase si khaldan loo isticmaaley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM