Qunsuliyada Ethiopia Garowe oo dib u bilodey bixinta Fisaha

Image

3 August, 2015 (GO)- Qunsuliyadda Ethiopia  ku leedahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa dib u bilowday bixinta fiisaha lagu galo dalkeeda kadib markii muddo todobaad la hakiyay howlaheedii shaqo.

Ethiopia ayaa horey u joojisay howlaha bixinta fiisooyinka dal ku galka kadib markii madaxweynaha Maraykanka Brack Obama socdaal labo maalmood qaatay ku tagey dalka Ethoipia.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa ka walaacayey amni xumo uga imaan karta dadka uga imaanaya dhinaca Somalia halkaasoo saldhigyo ku leeyihiin ururka Al-shabaab.

Boqolaal shacab ah oo adeega bixinta fiisooyinka uga kala yimid qaybaha kala duwan dalka Somalia ayaa maalmihii la soo dhaafey ku xayiraa magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Puntland ayaa halka kaliya ee dowladda Ethiopia ku leedahay qunsliyad bixisa fiisooyinka dal ku galka ah.

Qunsuliyada Ethiopia ee Garowe ayaa la furay May 2010 ee sanadkii 2010 kadib markii dowladii madaxweyne Cabdiraxman Farole heshiis la gashey wasaarada arrimaha dibada Ethiopia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM