Qurba-joogta Puntland ee Yurub oo shiraya

Image
Image
Image

26 September, 2015(GO)-Waxaa dalka Finland ka socda shir ku saabsan sidii loo midayn lahaa Qurba-joogta Puntland ee dalalka Yurub.

Shirka oo maanta furmay, waxaa lagu casuumay 35 Ergo oo ka imaanaysa 10 dal oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Yaasiin Cali "Gaas" Gudoomiyaha qaban-qaabada shirka oo khamiistii 24 September la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono sidii looga tashan lahaa midaynta qurba-joogta ku nool Yurub Halkan ka dhagayso.

Gudoomiyaha mar wax laga waydiiyay shirkani inay xukuumadda Puntland wax kala socoto ayuu hoosta ka xariiqay inay qayb ka tahay iyadoona wakiil u soo dirsatay.

"Dhanka Xukuumadu waa ay ka warqabtaa ,waxaana shirka ka soo qayb galaaya wakiilka Iskaandeneefiyaanka Dr: Baydhabo oo dowlada Puntland masuul uga ah, waxaa ayna u arkeen horumar aad ayayna ugu riyaaqeen waa ayna soo dhaweeyeen" ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa Yaasiin.

Arrintan ayaa sida laga soo xiganayo qaban qaabiyaasha shirka ka dib markii la sameeyay ururo ku tillaabsaday wax qabad.
Macadda in shirka Finland lagu dooran doono dallad ay ku midaysanyihiin qurba-joogta Puntland ee Yurub.

Kulankii maanta ayaa looga dooday arrimo ay ka mid tahay sidii loo midoobi lahaa iyo xubnaha ay heli doonaan qurba-joogta waddan walba, waxaana la filayaa in shirkani soo xirmo Isniinta soo socota.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM