Ra'isal Wasaaraha Somalia oo Garowe soo gaarey

Image

July 13, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa galabta  soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke. 

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Ra'isal Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha. 

Muddada Cumar Cabdirashiid Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo isagu saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey Garowe ku sugnaa.

Kulanka saddexda mas'uul oo intiisa badan noqon doona wada-tashi, waxaa lagu gorfeyn doonaa xaaladda guud ee dalka, xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka, dastuurka, higsiga 2016 iyo muranka dhanka xuduudaha ee ka dhex aloosan Puntland iyo maamulkii dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM