Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo Galkacayo ku wajahan

Image

July 19, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaada Garowe ayaa lagu wadaa inuu saaka u ambabaxo magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Muddo kooban ayey Ra'isa Wasaaraha iyo wafdigiisu Galkacayo ku sugnaan doonaan, iyagoo uga sii gudbi doona dhanka magaalada Muqdisho.

Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa xilligan Gaalkacayo ka socda, iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isagana la filayaa inuu maanta dhanka magaalada Kismaayo u dhoofo.

Booqashada Mudane Sharmaarke Galkacayo ku tegayo ayaa noqoneysa tii ugu horreysey tan iyo markii uu xilka qabtey, waxayna kusoo aadeysaa xilli uu natiijo la'aan kusoo dhammaadey kulan saddex geesood ahaa oo Garowe ay ku yeesheen Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubaland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda magaalada Nairobi ku sugan, ayaa shalay si kedis ah Garowe uga dhoofay xilli shirar xasaasi ahi socdeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ku wargelin safarkiisa mas'uuliyiinta kale ee uu Garowe kulammada kula lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM