Ra'isal wasaare Sharmake oo Galkacyo imaanaya

Image

26 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia iyo wafti uu hogaaminayo ayaa qorshuhu yahay inay yimaadaan magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo maalmahan ka socday barakac.

Socdaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa salka ku haya sida wararku sheegayaan arrinta ka taagan magalaadaasi, waxaana warar aan la xaqiijin tibaaxayaan inuu safarka ku weheliyo taliyaha ciidanka Boliska Somaliyeed Sareeyo Guud Maxamed Sheekh Xasan Xamud.

Waxgarad ka kala socda labada dhinac ayaa shir uga socda Galkacyo, waxaana weli taagan khilaafki ka dhashay dhismaha wada oo dowladda Puntland ku adkaysanayso inay dhisayso, halka maamulka Galmudug ku andacoonayso si wadadaasi loo dhiso in lagu soo wareejiyo suuq ku yaalla xaafatul Carab.

Badi dadka shacabka ah ee ku noolaa xaafadaha magalada Galkacyo ayaa barakacay ka dib ciidamo labada dhinac geeyeen magaaladaasi, balse xaaladda ayaa dagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM