Radio Garowe oo saacado kooban ku aruurisay in kabadan 10 kun

Image

GAROWE, Puntland- Warbaahinta Radio Garoowe ayaa u istaagtay sidii Kaalmo loogu aruurin lahaa dhibanayaasha weerarkii 14 October, 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasumadda Soomaaliya.

Qaraxaas oo loo adeegsaday Baabuur, waxaa dhibaato ba’an kasoo gaartay shacab Soomaaliyeed taasoo keentay in gurmad laxaad leh ay u baahdaan.

Warbaahintan Radio Garoowe oo ah Idaacad u dhaq-dhaqaaqda inta badan arrimaha Bulshada ayaa Isniintii Bilowday Olole lacago looga aruurinayo dhagaystayaasha Idaacadda ee gobolka Nugaal.

Saacado kooban ayaa Idaacadu hawada galisay barnaamijyo toos ah, waxaana dadweynaha loo bandhigay akoono lagusoo shubi karo kaalmada khayriga ah ee loogu talo galay in lagu caawiyo dhibanayaasha weerarkii Zoobe.

Wax ka yar 10 saacadood ayaa Radio Garoowe u suurto galay inay aruuriyo ku dhawaad 11 Kun oo Doollar.

Barnaamijkan oo ay daadihinayaan Yacquub Maxamed Cabdalle iyo Cabdirasaaq Maxamed Xayir ayaa dadweynaha Garoowe aad usoo dhaweeyeen iyagoo sheegay in dedaalka Idaacaddu bilowday uu shidaal u noqday in bulshadu is-abaabusho oo ka qayb qaato caawinta walaalaha Soomaaliyeed.

Daadihiyaasha Barnaamijkan oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan maalmaha soo socda Gurmadkaas oo qorshahoodu yahay inay Caasimadda Puntland ka aruuriyaan deeq lacageed oo gaaraysa 50,000 oo dollar.

Waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen in shacabka Garoowe awood u leeyahay bixinta lacagtaas ay ku haminayaan iyagoo sidoo kale fariin gurmad u diray dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee awoodi kara inay Kaalmo gaarsiiyaan walaalaha dhiban.

Radio Garoowe oo sidoo kale bah-wadaag la’ah Garoowe ayaa looga bartay taakulaynta dhibanayaasha, ayaa Barnaamijyo ay horay u qabtay lagu dhisay Masaajido, sidoo kale biyo dhaamin loogu sameeyay dadkii abaartu saamaysay iyo Ciid-siinta Carruurta agoonta ah iyo Barnaamiyo kal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM