​Ra'isal wasaare Sharmake oo Garowe soo gaaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran iyadoo garoonka diyaaradaha Canoco uga hortagay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa, Gudoomiyaha Barlamanka iyo xubno katirsan labada gole ee dowladda.

Ujeedka Safarka Wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia, ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo wadahadal laga yeelanayo geedi socodka Somalia, amniga iyo dhaqaalaha siduu warbaahinta u sheegay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali.

Gaas, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha Cumar Cabdirashiid, wuxuuna ku kaftamay in dowladda Somalia looga fadhiyo abaalmarinta ku aadan guulaha Puntland ka gaartay dagaalkii lala galay kooxda Shabaab.

Cumar Cabdirashiid oo isna warfidiyeenka u waramay, ayaa ammaan usoo jeediyay ciidamada difaaca Puntland ee guulaha ka gaaray mallayshiyaadka Shabaab, wuxuuna tilmaamay in mudada ay joogaan Garowe laga wada hadli doono xaaladda Somalia.

Safarka Cumar Cabdirashiid oo weheliyeen xubno isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaano, ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland diiday nidaamka lagu salaynayo doorashada dalka ee 2016 iyadoo sidoo kale imaanshihiisu kusoo aaday xilli Puntland ku jirto xaalad lagula dagaallamayo kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM