Rasaas laga maqlay Garowe, Maamulka Gobolka Nugaal oo ka hadley [Dhageyso]

Image

GAROWE 23 June,2015 (GO)- Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa ka hadley xaalad amni daro oo la soo gudboonaatey xarunta Garowe kadib markii bartamaha magaalada laga maqlay rasaas xoog badan oo ay ridayaan ciidamo ka tirsan dowladda.

Cabdullaahi Ciise Axmed ayaa sheegey in rasaastaan ay ridayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayna u ridayeen si khladan madaama aysan jirin  cid ku dagaalameysay magaalada dhexdeeda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladad weerar ku qaadeen guryo ay ka deggen yihiin magaalada Garowe saraakiil hore uga tirsanaan jirtey ciidamada dowlada Puntland.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamo ka tirsan sirdoonka Puntland PIA ay baneeyeen ilaalilnta xarumaha UN ee magaalada Garowe kadib markii la sheegey in ay gadood ahaan ugu biireen ciidamo ka amar qaata taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska General Muxaydiin Axmed Muuse.

Qoraal ay kaga hadlayeen xaalada amni ee magaalada Garowe ayaa hay'adaha Qaramada Midoobey ku sheegeen in shaqalahooda kaoso baxin goobaha ay dagan yihiin kadib markii tageen ciidamadii dowladda ee ilaalada u ahaa.

Gadoodka ciidamadaan ayaa yimid sida wararka lagu helayo kadib markii uu Madaxweynaha Puntland amar ku bixiyey in lasoo qabto taliye ku-xigeenkii booliska Puntland oo muddo khilaaf u dhexeeyey dowlada.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa raali galin u direy shacabka magaalada Garowe isaga oo sheegey in talaabo laga qaadi doono ciidamadii rasaasta xoogan ka radiyey magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM