​Roob doon ka dhacday Galkacyo

Image
Image

GALKACYO, Puntland- Shacabka ku dhaqan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta dhigay isu soo bax roob doon ah oo ka qabsoontay bannaanka magaalada.

Dibad baxan oo ay soo qaban qaabiyeen culimada magaalada, ayaa ALLE lagu weydiisanayay raxmaddiisa, iyadoo goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiinta degmada.

Culimada maagaalada ayaa goobtaasi ka sameeyay wacdi, waxayna bulshada ugu baaqeen inay towbad la yimaadaan.

Waxay sidoo kale EEBBE ka baryeen inuu ka dulqaado dhibaatada.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Alle bariga culimadu iclaamisay, wuxuuna soo jeediyay in la joogteeyo.

Banaanbaxan, ayaa kusoo aaday xilli abaar xoog leh wali ka jirto Puntland iyadoo ay dhammaadeen xoolihii halisna ku jiraan dadka oo iminka bilaabay inay kusoo xaroodaan Tuulooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM