​Roob doon ka dhacday Galkacyo

Image
Image

GALKACYO, Puntland- Shacabka ku dhaqan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta dhigay isu soo bax roob doon ah oo ka qabsoontay bannaanka magaalada.

Dibad baxan oo ay soo qaban qaabiyeen culimada magaalada, ayaa ALLE lagu weydiisanayay raxmaddiisa, iyadoo goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiinta degmada.

Culimada maagaalada ayaa goobtaasi ka sameeyay wacdi, waxayna bulshada ugu baaqeen inay towbad la yimaadaan.

Waxay sidoo kale EEBBE ka baryeen inuu ka dulqaado dhibaatada.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Alle bariga culimadu iclaamisay, wuxuuna soo jeediyay in la joogteeyo.

Banaanbaxan, ayaa kusoo aaday xilli abaar xoog leh wali ka jirto Puntland iyadoo ay dhammaadeen xoolihii halisna ku jiraan dadka oo iminka bilaabay inay kusoo xaroodaan Tuulooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM