Roob doon ka dhacday magaalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Salaad Roob doon ah ayaa maanta ka dhacday magaalada Garowe, caasumadda Puntland, taasoo ay iclaamiyeen dowladda iyo culimada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, xubno katirsan golauyaasha dowladda, isimo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa kasoo qayb galay alle barigaas.

Khudbado ay jeediyeen isimadda iyo culimada, waxay ku sheegeen inay dadku eebbe u noqdo oo ay iska dhaafaan waxyaabaha keenaya inay raxmaddu yaraato.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha oo kahadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan dad weynaha reer Puntland ku booriyey kuna waniyey inay is cafiyaan.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha  Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Cumar camay ayaa waxa uu Alle  ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadda  Somaliyeed uguna bedelo raxmadiisa.

Roob doontan ayaa horay waxaa ugu dhawaaqday dowladda Somalia, waxaana tan iyo maalinkii talaada lasoo dhaafaysay ka dhacaysay guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somalia.

Abaar laxaad leh iyo roob la'aan jirtay muddo saddex sano ah ayaa ka taagan dalka Somalia, taasoo keentay inay yaraadaan biyihii islamarkaana halis galaan noloshada dadka xilli xoolahii dhammaadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM