Roobabka Guga oo ka curtey Puntland

Image

March 23, 2015 (GO)- Roobabka Guga ayaa ka curtey qaybo kamid ah deegaanada Puntland gaar ahaan gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Sanaag.

Meelaha roobabka xooggani ka da'een waxaa kamid ah dhulka miyiga ah ee hoos taga degmooyinka Carmo, Isku-shuban iyo Boosaaso.

Waxaa sidoo kale roobab lagu diirsadey ay ka da'een qaybo kamid ah gobollada Nugaal iyo Mudug.

Gobolka Haylaan qaybo kamid ah iyo galbeedka Sanaag ayaa iyagana roobab mahiigaan ahi ku hooreen labadii maalmood ee lasoo dhaafey.

Dhanka kale, waxaa jira khasaare maaliyadeed oo ka dhashay roobab saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey si xiriir ah uga da'ayey Puntland.

In ka badan lix boqol oo neef oo ari ah ayaa lagu soo warramayaa in roobku ku diley deegaano hoos taga degmada Isku-shuban ee gobolka Karkaar, sida uu xaqiijiyey duqa Isku-shuban Cabdirisaaq Muuse Cartan.

Curashada xilli roobaadka Guga ayaa kusoo aadeysa xilli weli ay abaari ka jirto qaybo kamid ah gobollada dhexe iyo koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM