Ra'isal Wasaare Cabdiweli Shiikh oo kusoo wajahan Garowe

Image

Sabti, September 20, 2014 [GO]- Wararka warbaahinta Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia ku soo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe bishaan dabayaaqadeeda xilli uu dhamaaday waqtigii wadahadalka dowlada Cabdiweli Cali Gaas ku baaqdey.

Ra'isal wasaarahada Dowlada Federaalka Somalia oo hadalkaan sheegey xili uu la kulmay jaaliyada Puntland ee dagan wadanka Ingriiska ayaa xusay inuu qorshaynayo in muddo toban cisho gudahood ah uu Garoowe ku tago.

Xukuumada Cabdiweli Cali Gaas oo 20 August, 2014 qoraal ka soo saartey iney xiriirka u jartey Dowlada Federaalka ayaa sheegtey in muddo sodon cisho ah gudoohood talaabo kale oo aysan carabaabin qaadi doonto.

Sida la ogsoon yahay waxaa khilaaf xoogan u dhexeeyaa madaxda sare ee Dowlada Federaalka ah taasoo mugdi galin karta booqashada Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh ku imaanayo magaalo madaxda Garowe.

"madaxda Puntland waxaa ay horey ula kulmeen dhamaan Ra'isal wasaarayaashii isaga dambeeyey dowladihii KMG ahaa ee Somalia oo uu ku jirey Madaxweyne Cabdiweli oo iminka talada Puntland haya iyo Dowlada Federaalka ee Xasan Shiikh, waxaana dhamaantood lagu heshiiyey qodobada hortaagan wadashaqeyn buuxda oo dhexmarta Dowlada Federaalka ah iyo Puntland,  sida aan wada ognahay gabi ahaanba heshiisyadaas waxba kama hirgalin sababtuna waxey aheyd khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee fadhigoodu yahay Muqdishu."sidaas waxaa yiri siyaasi Cabdi Guuleed oo dagan magaalo madaxda Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo siyaasadiisa ku wajahan Dowlada Federaalka shacabka Puntland ku jahawareersanyahay ayaa horey u beeniyey Halkan ka dhageyso inuu wadanka Ethiopia kula kulmay Ra'isal wasaaraha Somalia, halka sida GO ogaatay kulan qaatay saacado badan labada mas'uul uu ku dhexmaray Hotel Sheraton.

Madaxweynaha Puntland iyo Ra'isal wasaaraha ayaa kaga hadley kulankaas heshiiska dhowaan lagu saxiixey Muqdishu kaasoo diirada saarayey maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia iyo qodoba kale oo la xiriira shidaalka.

Labada mas'uul ayaa kulankooda Addis Ababa kadib ku balamay safarka la filayo inuu dhowaan Puntland ku yimaado Ra'isal wasaaraha Dowlada Federaalka ee Soomalia.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan fasaxey in machadka Heritage kulan la isku weydiinayo taaba galnimada nidaamka Federaalka ah uu ku qabto magaalo madaxda Puntland ee Garowe kaasoo dhaliyey muran badan. Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo Aad Qaran loogu sameeyay Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay duugta marxuumka.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 04:56PM

Rag AS u fududeyn jiray weerarada Boosaaso oo la maxkamadeynayo

Puntland ayaa dagaal kula jirta AS iyo Daacish oo ku dhuumaalaysanaya dhulka buuralayd ah ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 11:46AM