RW Khayre oo ammaan kala dul dhacay shacabka iyo dowladda Puntland [Sawirro+Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta si wanaagsan loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Garowe iyo Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Puntland, kadib booqashadii ugu horaysay oo uu ku yimaado maamulkan tan iyo markii xilkan loo magacaabay sannadkii hore horaantiisii.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenjiisa, xubna kamid ah Barlamanka, golaha wasiirrada iyo kummannaan bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe, waxa intaa kadib Ra'iisul wasaaraha iyo wafdiga la socday loo galbiyay barxadda Garowe oo ay kula hadleen shacabkii soo dhaweeynayay.

Madaxweyne Gaas oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta Ra’isal wasaaraha iyo booqashadiisa Garowe, wuxuuna shacabka uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen wafdigan.

Khayre ayaa ammaan kala dul dhacay shacabka iyo dowladda Puntland isagoo yiri, “Mudane Madaxweyne, madaxda kale iyo dadweynaha kaleba waxaan idiin ka mahadcelinayaa sidii aad iigu soo dhaweyseen dhulkii udugga iyo Beeyada. Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sidaad iigu soo dhaweyseen dhulkii saldhigga u ahaa Ilbaxnimada Soomaaliyeed, waxaad ku mahadsantihiin mudane madaxweyne adi iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland inaad nagu soo dhaweysaan dhulkii xudunta u ahaa halgankii Daraawiishta, waad mu mahadsantihiin inaad nagu soo dhaweysaan dhulkii hormarka iyo barwaaqada oo nasiib u yeeshay inuu qayb ka ahaado ama ku yaallo meesha ay iska gooyaan badweynta Hindiya iyo badda Cas, waan ku faraxsanahay inaan soo booqano magaalo madaxda Garowe oo ah hooyadii Federaalka Soomaaliyeed.”

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya isagoo sii hadlaya wuxuu soo dhaweyntii loo sameeyay ku sifeeyay mid ka turjumaysa dowladnimada iyo midnimada uu gaaray maamulkan.

“Soo dhaweyntiina qiimaha badan waxaan u fahmay oo aan ka badartay sababta reer Puntland u guulaysteen, nabadda, midnimada iyo dowladnimada halkan ka muuqata." Ayuu hadalkiisa ku daray Khayre.

Wuxuu kaloo sheegay in dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland iyo dowladooduba ay fahmeen in jiritaanka dowladnimadu u baahantahay in gacmaha la is qabsado islamarkaana loo duceeyo lana toosiyo.

Khayre oo hadalkiisa ka muuqata sida uu maqsuudka uga yahay soo dhaweyntii ballaarnayd ee loogu sameeyay Garowe, wuxuu sheegay in shacabka ku nool maamulkan ay muujiyeen sida ay u jecelyihiin dowladnimada Soomaaliyeed isagoo xusay in maalmaha soo socda uu halkan joogi doono lana kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada.

RW Khayre oo socdaalkii ugu horeeyay ku yimid Garowe iyo guud ahaan maamulkan ayaa la filayaa in ilaa Jimcaha soo socda uu joogi doono Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM