Sababta Puntland uga baaqsatey iney go’aan ka gaarto qaraarkii Barlamanada Soomaliya

Image

GAROOWE- Waxaa dib u dhac ku yimid go’aan maanta oo Khamiista ah laga sugayey shirka golaha Wasiirada Puntland kasoo ku aadanaa mowqifka maamulkaan ka qaadan karo qaraarkii Barlamanada Soomaaliya kasoo saareen shirkada DP World.

Wararka warsidaha GO ka helay sababta keentey inuu baaqdo go’aan laga gaaro qaraarkaan ayaa sheegaya iney timid kadib markii ay wadahadleen Cabdiweli Gaas iyo Madaxweyne Farmaajo.

Sida GO fahansan yahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa ka codsadey Madaxweynaha Puntland in go’aankaan dib u dhigo inta xal laga gaarayo khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Villa Hargeysa.

Dhinaca kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in kala qaybsanaan dhinaca fikirka ah ka dhexjirto madaxda u sareysa dowlada Puntland iyo golahooda xukuumada.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo horey dhinaca fikirka ku aadan siyaasada Khaliijka ugu kala duwanaa ayaa sida aan xogta ku heleyno waxaa Mudane Cabdixakiim Cameey si aan qarsoodi aheyn u taageerey go’aankii Barlamanada Federalka dalka kaga mamnuuceen shirkada DP World.

Magalaada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa  ku sugan Xildhibaan Saadiq Garaad isagoo sida aan wararka ku heleyno kulamo uu la qaatey madaxda sare ee dowlada Federaalka u balan qaadey inuu kala shaqeynayo sidii loo baajin lahaa in Puntland kasoo baxo go’aan lid ku ah go’aankii Barlamanada Soomaaliya ka gaareen shirkada DP World.

Saadiq Garaad oo kamid ah Xildhibanada gobolka Sool kasoo gala Barlamanka Puntland ayaa kamid ahaa xubnihii aqalka Wakiilada  oo aad ugula shaqeeyey Cabdiweli Gaas sidii loo ansaxin Heshiiskii Madaxweynuhu lasoo galey shirkada P&O.

Dowlada Federaalka gaar ahaan Villa Somalia ayaa maalmihii lasoo dhaafey loolan ugu jirtey sidii madaxda maamulada u soo saarin go’aan  ay ku diidayaan qaraarkii Barlamanada Fedraalka ah.

Dib u dhaca ku yimid kulan madaxda maamulada Soomaalida ku yeelan lahaayeen magaalada Garowe ayaa waxaa la xiriirinayaa in dowlada Federaalka ka shaqeysay inuu baaqdo madaama uu ku soo beegmey xilli Muqdisho ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM