Saciid Cabdullaahi Deni oo go'doon geliyey magaalada Boosaaso

Image
Madaxweynaha ayaa ku ololeeyay dhaleeceyn uu madaxdii ka horeysay ugu jeediyey in ay xiraan waddooyinka.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo socdaal dhanka cirka ah ku tagay magaalada Boosaaso ayaa waxaa hakad loo geliyay dhaq-dhaqaaqa magaaladda muddo saacado ah.

Inta badan jidadka xarunta gobolka Bari ayaa la xiray muddo saacado ah. Sidoo kale, waxaa la arkayay dadwaynaha oo loo diiday lugta wadooyinka qaybtood taasoo dhalisay carro.

Gaadiidleyda oo saameynta ugu badan ay gaartey ayaa sheegay in ay dowladda aysan ka helin wax badiil ah oo ku saabsan mudada saacadaha ah ee shaqadooda ay xayiraada ku jirtey.

Lama ogga sababta ku kaliftey Deni in uu socdaal cirka ah ku tago Boosaaso. Dadka qaar waxay sheegayaan in laga yaabo in uu diidayo in uu arko qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Deni ayaa ku ololeeyay dhaleeceyn uu madaxdii ka horeysay ugu jeediyey in ay xiraan waddooyinka. Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in uu haatan sameynaya isla ficilkaas.

Sidoo kale, warbaahinta ayaa laga xadiday tabinta safarka madaxweynaha. Qaar kamid ah saxafiyiinta ayaa ku eedeeyay xafiiska warfaafinta Deni in uu is-hortaag ku sameeyay shaqadooda.

"Warbaahinta ka howlgasha Boosaaso ayaa qaadacay tabinta safarka madaxweynaha sababo ku aadan in uu xun yahay xiriirka kala dhaxeeya warfidiyeenka Puntland," ayuu yiri wariye madax-banaan.

Socdaalka Deni ee Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadiisa ay magaalada ka qabatay diiwaan-gelin hal dhinac ah taasoo dadweynaha aysan u soo wada bixin, sidda uu qiray guddiga yab-yabaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM

Puntland oo Ka Digtay Saameynta Isbedelka Cimilada iyo Faragelinta Dowladda Federaalka

Dhanka kale, Wasiirka ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in faragelinta siyaasadeed.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 11:29AM