Saciid Deni oo billaabay Dhaqan aan Puntland horey uga dhicindhicin

Image
Madaxweynaha Puntland ayay noqonaysaa markii labaad ee uu hor istaago guddoomiye Sacdiyo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta ka hor istaagay markii u horaysay taariikhda Puntland mas'uuliyiin sare oo dowlada federaalka Soomaaliya in ay soo aadaan Puntland.

Wafdiga oo ay hogaaminaysay Gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS, Xil Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyada oo ay qayb ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano.

Deni ayay noqonaysaa markii labaad ee uu hor istaago gudoomiye Sacdiyo oo haysa xilkii ugu sareeyay ee Haweeney ay ka qabato Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Tan iyo Doorashadii 2021 bishii May 15 keedi ka qabsoontay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho halkaasi oo Siciid Deni uu kusoo hungoobay waxaa soo baxay in uu Puntland ka bilaabay dhaqamo ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen "Wabax Siyaasadeed".

Hadaba waxaa la is waydiinayaa Puntland oo 25 sano jirtay in markii u horaysay masuuliyiin ku matala golayaasha federaalka laga hor istaagay waxa xiligaan kusoo beegay.

Aqoonyahanka Puntland oo ka hadlay doodo dhawaan Garowe lagu qabtay ayaa sheegay in Puntland ay tahay in ay ka gudubto dhaqanka ah in qofkii hogaanka ah uu wixii uu doono sameeyo isla markaana lala xisaabtamo qofka marka uu ka dhamaado wakhtigu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM

Puntland oo Ka Digtay Saameynta Isbedelka Cimilada iyo Faragelinta Dowladda Federaalka

Dhanka kale, Wasiirka ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in faragelinta siyaasadeed.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 11:29AM