Saciid Deni oo si adag u eedeeyay maamulka Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha waqtigu kasii dhamaanayo ee Puntland ayaa ka hadlay xaflada afar-sano guurada xukunkiisa.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaanayo maamulka Puntland, Saciid Deni, ayaa difaacay diidmadiisa saxiixida labadii qodob ee war-murtiyeedkii ugu dambeeyay shirka madaxda federaalka iyo maamulada.

"Wax u muuqdo qorshe la rabo in dalkan dib loogu celiyo dowlad dhexe ayaa meesha la keenay," ayuu yiri. Dhanka kale, dilalka ka dhacay Laascaanood ayuu ku sheegay "dambiyo dagaal".

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan xaalada xarunta gobolka Sool isla markaana ay wax ka qabtaan dadka shacabka ah ee "sidda qasabka ah loo barakicinayo".

"Gabood-falada ka dhacay Laascaanood waa dambiyo dagaal. Dacwad ayaan kusoo oogi doonaa dadkii geystay. Maamulka Hargeysa waa in uu maqlo dareenka shacabka," ayuu tibaaxay.

Hogaanka dowlada federaalka ayuu ku eedeeyay in ay doonayaan in ay meelmariyaan dastuurka ku meelgaarka ah ee dowladda federaalka "iyadda oo ay maqan tahay Somaliland".

"Waxaa la rabaa in dalka dib loogu celiyey nidaamka dowladda dhexe iyo in maamulka Somaliland loo sharciyeeyo Sool, Sanaag iyo Ceyn. Puntland marnaba ma aqbaleyso arrinkaas," ayuu ku nuux-nuux-sadey.

Xukuumadiisa ayuu ka dhawaajiyey in ay Isniinta maanta ah ay soo saari doonto mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan qaabka ay u wajihi doonto ama ula macaamili doonto maamulka madaxwayne Xasan Sheekh ee curdanka ah.

Eedeymahan ayaa loo fasiran karaa in uu heerkii ugu hooseeyay gaaray cilaaqaadka Xasan Sheekh iyo Saciid Deni. Madaxda federaalka ayay muhiim u tahay isku-wadka maamulada si ay ugu hirgalaan arrimo deyn cafinta u horeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM