Saciid Deni oo magacaabay agaasimeyaal guud xill ay xiisad jirto

Image
Puntland ayaa waxay galaysaa xilli kala guur ah iyo u diyaar-garowga doorashadda madaxtinimadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa wareegto uu soo saarey waxa uu ku magacaabay Agaasimeyaal Guud xilli uu muddo xileedkiisa madaxtinimadda ay bilooyin uga hartey.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;

2. Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda

3. Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

5. Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland

6. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

7. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo

Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland

8. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland

9. Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

10. Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

11. Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladda

12. Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

13. Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamulwanaaga


Magacaabidan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli Puntland ay ka jirto xaalad kacsanaan ah isla markaana uu kusoo fool leeyahay xilli kala guur ah maadaama la isku-diyaarin doono coddeynta madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM