Saddex degmo oo kusoo biirey mashruuca horumarinta ee JPLG

Image

May 30, 2015 (GO)- Saddex degmo oo cusub ayaa lagu soo daray degmooyinka uu ka shaqeeyo Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka Puntland ee Qaramada Midoobey taageerto (JPLG), waxayna taasi toban ka dhigeysaa tirada guud ee dogmooyinka mashruucaas nasiibka u yeeshay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in degmooyinka Qandala, Buurtinle iyo Galdodob; oo ka kala tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug sanadkan ay kusoo biirayaan degmooyinka u uka shaqeeyo mashruuca JPLG.

Go'aankan ayaa kasoo baxay shirka lix-biloodlaha ah ee lagu qimeeyo horumarka mashruucan, shirkaas oo dhowaan kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Mashruucan oo ay maal geliyaan hay'adaha UNDP, UN-HABITAT, UNCDF, ILO iyo UNICEF oo taageero ka helaya dalalka Sweden, USA, Italy, Norway iyo Denmark, wuxuu soo bilowdey sanadkii  2008, wuxuuna horay uga shaqeyn jirey degmooyinka Boosasso, Garowe, Qardho, Gaalkacayo, Bayla, Eyl iyo Jirriiban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM