Saddex kamid ah degmooyinka PL oo lagu soo daray barnaamijka JPLG

Image

December 9, 2014 (GO)- Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka JPLG ee afartii sano ee ugu dambeeyey ka socday Puntland ayaa lagu soo daray saddex degmo oo cusub.

Saddexda degmo oo barnaamijka si rasmi ah sanadka soo socda ee 2015 uga mid noqon doona waxay kala yihiin Burtinle, Qandala iyo Galdogob oo ka kala tirsan goballada Nugaal, Bari iyo Mudug.

Gudoomiyaha degmada Burtinle Liibaan Xirsi khaliif oo u waramay Radio Garowe ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan in degmadoodu qayb ka noqotay degmooyinka nasiibka u yeeshay barnaamijka horumarinta ee JPLG.

Xirsi ayaa sidoo kale sheegay inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah iyo la tashiyo lala sameynayo qaybaha bulshada, si ay uga talo bixiyaan qaabka ugu haboon ee degmadoodu uga faa'iidaysan doonto dhaqaalaha loo balan qaaday.

Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka Puntland ee (JPLG) oo muddo afar sano ah laga wadey Puntland waxaa degmooyinka sida fiican uga faa'iideystey kamid ah magaalo madaxda Garoowe iyo magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM