Saddex kooxood oo laga saaray tartanka ciyaaraha Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Puntland, ayaa lagu ganaaxaay saddex kooxood iyo guddoomiyaashooda kuwaasoo lagu ciqaabay inaysan ka qayb galin ciyaaraha heerka koowaad ee Puntland.

Guddoomiyaasha ayaa sidoo kale lagu ganaaxay inaysan gabi ahaan ka qayb qaadan doonin tartan ka socda Puntland iyo Somalia intaba.

Qoraalkan oo uu ku saxiixanyahay guddoomiyaha xiriirkaas Mustafe Majacase, ayaa lagu sheegay in kooxaha kala ah; Komsed, Somtel iyo Homboboro laga saaray cayaaraha hadda socda ee gaba-gabada ku dhow.

Go’aanka xiriirku qaatay ayaa loo nisbeeyay mid kasoo baxay kooxahaas oo 11-kii bishan, kaasoo lagu dhaliilay inuu hareer marsanaa ujeedkii loo qabtay tartanka iyo hormarinta cayaaraha maamulka Puntland.

Cayaartoyda saddexdaas kooxood ayaa la sheegay inay ku biiri karaan kooxaha kale ee ka jira Puntland xilli cayaareedka dambe.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirka iyo kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan gobolka Mudug, kaasoo bilowday kadib markii la hakiyay cayaar Galkacyo ka dhici lahayd sababo lagu sheegay garsoore xumo.

Balse kooxaha ayaa ku dooday in xiriirku soo saarayay koox kale maadama kale oo u dhici lahayd heerka 2aad.

Tartanka oo socday muddo saddex bilood ah ayaa hadda maraya meel gabo gabo ah, waana markii ugu horaysay noociisa laga qabto deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM