Saddex wasaaradood oo maanta Baarlamaanka PL hortegey

Image

November 12, 2014 (GO)- Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo wali socda ayaa waxaa maanta hor yimid sadex wasaaradood oo kala ahaa Wasaarada duulista Hawada ,Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.

Wasiirka iyo agaasimaha guud ee  Wasaarada Hawada ayaa warbixin dheer oo ka hadlaysa waxqabadka wasaarada ka hor akhriyay golaha baarlamanka, iyagoo sheegay in wax badan ay ka qabteen baahida garoomada diyaaradaha sida balaarintooda, dayactirka iyo waxyaalo kale oo laga qabtay.

Mar wax laga weydiiyey garoonka diyaaradaha Garowe madaxda Wasaaradda Duulistu waxay sheegay in lasoo gaba gabeeyey  tijaabadii  ciidda  garoonka  iyo wada tashigii  naqshadda sida ugu dhaqsaha badanna howsha dhismaha loo bilaabi doono.

Agaasimaha Wasaarada Duulista ayaa dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka uga warbixiyey halka uu marayo mashruuca lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso isagoo xusay in qalabkii dhismuhu diyaar yahay dhowaanna shaqadu si toos ah u bilaaban doonto. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha Gaalkacyo dhowaan isna dayactir lagu sameyn doono loona dhisi doono terminaal cusub oo xilligan naqshadiisu diyaar tahay islamarkaana la dhagax dhigay.

Wasaarada Warfaafinta ayaa iyaduna ka warbixisay waxqabadkeedii 10 bilood ee lasoo dhaafay. Wasiirka Warfaafinta Cabdiwali xirsi Cabdule ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay  waxyaabaha u qabsoomay isagoo xusay inay  ugu muhiimsan tahay khidmadda dowladdu saartay daqiiqadaha hadalka ee shirkadaha isgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM