Saraakiil ka tirsan ciidamada oo Garowe tababar loogu soo xiray

Image
Image
Image
Image

December 17, 2014 (GO)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu soo xiray lixdan sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada booliska iyo asluubta.

Xafladda xiritaanka tababarka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore, Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Cali Nuur Cumar iyo mas'uuliyiin ka socday Hay’adda UNDP.

Madaxweyne ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa la dardaarmay saraakiisha tababarku usoo gaba gaboobay isagoo ku booriyey inay dadaalkooda sii laban laabaan  si fiicana uga faa'iideystaan casharadii la siiyey mudadii uu tababarku socdey.

‘’waxaan idin leeyahay wixii aad halkan ku barateen muhiim ayey ahayd waa in ay noqoto mid aad ugu adeegtaan umadda reer Puntland..waxaan qabaa wixii aad barateen hadaad ku shaqaysaan inay noqon doonto faa’iido balaaran oo dalka u soo hoyatay"ayuu yiri.

Tababarkan oo socday muddo dhan toban maalmood waxaa ciidanka ka qeyb galay lagu baray waxyaabo badan oo ay kamid yihiin habka gawaarida loo baaro iyo weliba habka loo baaro qaraxyada dhulka lagu aaso iyo kuwa gawaarida lagu xiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM