​Saraakiil kasocotay NATO oo shir ku yeeshay Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Saraakiil kasocota Midowga Yurub gaar ahaan howlgalka NATO, ayaa maanta la kulmay wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La dagaallanka Bur-cad badeeda Puntland oo ay weheliyaan, maamulka gobolka iyo odoyaasha dhaqanka.

Kulanka ayaa muddo kooban ka socday xarunta wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa yaraynta tacadiyada loo gaysto Kalluumasatada ku dhaqan xeebaha iyo sidii looga hortagi lahaa in Puntland kusoo lagu arko Falalkii burcadda.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday afkaaro la xiriira sida howshaas lagu amba qaadi karo iyo doorka Midowga Yurub kaga aadan arrimaha ka taagan biyaha Somalia gaar ahaan Puntland.

Markii uu shirkaas soo idlaaday ayaa wasiir Siciid Maxamed Raage, wuxuu sheegay inay isku afgarteen labada dhinac sidii loo sii amba qaadi lahaa arrimaha badda iyo la dagaallanka burcadda, isagoo xusay inuu ahaa shir muhiim ah oo labada dhinacba diiradda saareen iskaashiga.

Sarkaal u hadlay Midowga Yurub, ayaa isna sheegay inay ka go'antahay taageerada Puntland, wuxuuna xusay inay door muhiim ah siinayaa ilaalinta biyaha Somalia.

Intii kulankan socday, waxaana magaalada Bosaso gaar ahaan Dekedda lagu arkayay Diyaarado dul heehaaba iyo laashashka dheereeye oo ay saaranyihiin ciidamo Ajnabi ah.

Maaha markii kulanka caynkan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Bosaso, balse wuxuu kusoo aaday xilli jariif xoog leh lagu hayo biyaha Puntland iyadoo kalluumaysato ka cabayaan maraakiib shisheeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM