Sarkaal ciidamada Booliiska Puntland ka tirsanaa oo la diley

Image

GALKACAYO- Magalada Galkacayo xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu diley caawa sarkaal ka tirsanaa ciidmada Booiska Puntland.

Col.Cabdirashid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) ayaa sida wararku sheegayaan waxaa toogtey dabley dishay markii la tukadey Salaadii cishaha.

Gabi Gabi ayaa mar madax ka noqdey ciidamada Birmadka gobolka Mudug intii Madaxweyne Gaas xilka Puntland hayey.

Lama oga cidda dilkaan gaysatey balse kooxda Al Shabaab ayaa degaanada Puntland ka ugaarsata saraakisha amniga. 

Magalada Galkacayo ayaa xiliyadii ugu dambeeyey waxaa soo hagaagayey amnigeeda guud inkastoo kooxaha argagixisada ah dilal gaadmo ah u gaystaan saraakiisha amniga iyo dadka kale ee waxgaradka ah.

Amniga Puntland ayaa tan iyo intii dowlada Gaas xilka qabatey kasoo darayey iyadoo hay’adaha amniga Cabasho dhinaca mushaharka ah muujiyaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM