Sarkaal ciidamada Booliiska Puntland ka tirsanaa oo la diley

Image

GALKACAYO- Magalada Galkacayo xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu diley caawa sarkaal ka tirsanaa ciidmada Booiska Puntland.

Col.Cabdirashid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) ayaa sida wararku sheegayaan waxaa toogtey dabley dishay markii la tukadey Salaadii cishaha.

Gabi Gabi ayaa mar madax ka noqdey ciidamada Birmadka gobolka Mudug intii Madaxweyne Gaas xilka Puntland hayey.

Lama oga cidda dilkaan gaysatey balse kooxda Al Shabaab ayaa degaanada Puntland ka ugaarsata saraakisha amniga. 

Magalada Galkacayo ayaa xiliyadii ugu dambeeyey waxaa soo hagaagayey amnigeeda guud inkastoo kooxaha argagixisada ah dilal gaadmo ah u gaystaan saraakiisha amniga iyo dadka kale ee waxgaradka ah.

Amniga Puntland ayaa tan iyo intii dowlada Gaas xilka qabatey kasoo darayey iyadoo hay’adaha amniga Cabasho dhinaca mushaharka ah muujiyaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM