Sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga P/Land oo Bosaso lagu diley

Image

May 20, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda Puntland PSF ayaa caawa lagu diley magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa inay sarkaalkaas toogteen xilli uu ku sugnaa agagaarka Dabaqa Sahalka oo masaafo aan badneyn u jira dekedda Bosaso.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada amniga ayaa daqiiqado kadib soo gaarey aagga dilku ka dhacay, balse kuma guuleysan inay falkaas cid usoo qabtaan.

Goobta caawa askariga lagu diley, waxaa saddex todobaad kahor qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan ilaalada dekedda Bosaso. Qaraxaas waxaa ku dhintey hal qof oo rayid ahaa labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan laamaha ammaanka Puntland ee bishan May gudaheeda magaalada Bosaso lagu dilo.

May 3, 2015 ayey ahayd markii is-goyska Xalwo Banaadir lagu toogtey sarkaal kale oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Dheere.

Mas'uuliyadda dilkan cidna ma sheegan, haseyeeshe Al-shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyey magaalada Bosaso ka geysaneysey weerarro ka dhan ah ciidamada amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM