Saxafiyiinta Puntland oo ka xun xariga wariye-yaasha Al-Jazeera

Image
Image

January 21 , 2015 (GO)- Munaasabad lagu xusayey 21-ka January oo ku asteysan maalinta warbaahinta Soomaaliya iyo sanad-guuradii 42aad ee kasoo wareegtey markii ugu horeysey ee la daabacay wargeys ku qoran luqada Soomaaliga, ayaa maanta  lagu qabtey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xaflada waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka socda dowladda oo isugu jirey wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay bahda warbaahinta iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horeyn munaasabadda waxaa ka hadlay Xasan Abuukar Cali (Baydhabo) oo isagu ah wariye ruug cadaa ah, wuxuuna si kooban uga sheekeeyey taariikhda warbaahinta Soomaalida iyo waayihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland Faysal Khaliif Barre oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha sanadkii lasoo dhaafay u qabsoomey Ururka MAP.

Khaliif ayaa sidoo kale ka warbixiyey tacadiyada loo geysto wariyeyaasha, isagoo sheegay in sanadkii lasoo dhaafay hal wariye lagu diley Puntland, 35 fariimood oo hanjabaad ahna loo soo diray qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala Puntland.

Dhanka kale, wariyeyaasha kulankaas kasoo qayb galay ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin xarigga sharci darrada ah ee dalka Masar loogu geystey saddex kamid ah wariyeyaasha telefishinka Al-jazeera.

Saddexda wariye oo lagu kala magacaabo Baher Mohamed, Mohamed Fahmy iyo Peter Greste, una kala dhashay dalalka Egypt iyo Australia, waxaa bishii June ee lasoo dhaafay lagu kala xukumay xabsi mudadiisu tahay 7-10 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM